Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Muqdisho lagu dilay Iyo Dadkii Dilay Oo ,,,

0
318
Degmada Dharkiinleey gaar ahaan Xaafada Mac-macaanka, waxaa saaka lagu dilay Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraah Somalia, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Anwan, wuxuuna ahaa Qasnajiga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia.
Kooxaha hubaysan oo Bistoolado watay ayaa Anwar beegsaday oo toogtay, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobtii dilka ay ka geysteen.
Anwar ayaa isaga oo sooman ifka uu ka tagay, kadib markii uu u geeriyooday rasaastii lala dhacay.
Shabaab aya Baraha Internet-ka ee ay wararka ku baahiyaan waxa ay ku sheegeen inay ka dambeeyeen dilka Anwar.