Shariif Xasan oo kula dar daarmay gudoomiyaasha cusub wax qabad muuqda

0
385
Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan oo dardaaran u jeedinayay gudoomiyaasha cusub ee gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo oo shalay la magacaabay ayaa sheegay in looga baahan yahay inay si wanaagsan u gudaan waajibaadkooda,islamarkaana umada ay hormuudka u yihiin inay u horseedaan hormar iyo nabad.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale,mas’uuliyiinta cusub ka dalbaday inay muujyaan dulqaad iyo dadaal dheeri ah oo dhaxal gal u noqda Shacabka gobolka Baay.

Sidoo kale,Shariif Xasan Sheikh Aadan oo sii hadlayay ayaa u sheegay gudoomiyaasha cusub inay ilgaar ah ku eegaan samata bixina loo sameeyo dad uu sheegay inay ku jiraan go’doon.

Hogaamiyaha mmaamulka Koonfur Galbeed ayaa ka dalbaday gudoomiyaasha cusub ee gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo inay dadaal dheeri ah ku bixiyaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada iyo degmooyinka wali gacantooda ku jira ee ka tirsan gobolka Baay si ay furmaan marino badan oo hada xiran.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa shalay si rasmi ah uu xilka kaga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow iyo midkii Degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed (Biikolo).
Madaxweynaha, ayaa Gudoomiyaha Gobolka Baay waxa uu u soo magacaabay Rashiid C/laahi Maxamed , halka Gudoomiyaha Degmada Baydhabo uu u magacaabay C/laahi Cali Maxamed.

Shariif_Xasan_Shirka_Baydhabo