Shirkadda MasterCard oo ku dhawaaqday in markii u horeysay ka shaqo bilowday Soomaaliya

0
310

Shirka looga hadlayo dhaqaalaha adduunka (World Economic Forum) ee ka socda magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika ayaa shirkadda MasterCard waxay kaga dhawaaqday iskaashiga dhex maray iyada iyo bankiga Soomalyeed ee Premier, taasoo ka dhigaysa in MasterCard ay noqotay shirkaddii ugu horreysay ee keenta Soomaaliya adeegga kaararka Debit iyo Prepaid cards.

Iskaashigan ayaa suurageliyay in Premier Bank ATM lacag looga qaadan karo MasterCard, adeeg ama badeeco looga iibsan karo isla markaana Premier Bank ku daabacayo kaararkaas, isla Soomaaliya gudaheeda, taasoo ah markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo laga howl geliyo, kadib bur burkii dowladdii dhexe ee sanadkii 1991.

“Soomalaiya waxa ay horay u qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo ku aadan dib u dhiska iyo xasilinta dalka, maantana waa dhacdo kale oo aad u weyn oo daaha ka rogeysa xorriyada maaliyadeed oo ay gaarayaan dadka Soomaaliyeed ka gadaal sanado badan oo dalkeenu ka go’doonsanaa ganacsiga iyo dhaqaalaha adduunka”sidaas waxaa yiri Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaliya Abdirahman Yusuf Ali Aynte.

Hadda ATM-yada Premier Bank waxaa lacag loogala bixi karaa kaararka MasterCard, sidoo kale Premier Bank waxa uu sanadkan guduhiisa u daabcii doonaa dadka Soomaaliyeed ee adeegaas doonaya kumanaan kaararka debit-ka ah, waxaana taas ku xigi doona prepaid card iyo point of sale machines.

Daah-furka adeegan ayaa waxa uu siinayaa dawladda, qurbo-joogta iyo hay’adaha caalamiga ahba hab sahlan oo ammaan ah, lana jaan-qaadaya heerarka caalamiga ah oo ay ku bixin karaan mushaaraadka iyo lacagaha kale ee ay u dirayaan Soomaaliya, taasoo meesha ka saaraysa khatarta qaadista cash-ka.

Lacagaha loo diro Soomaaliya waxa ay gaarayaan illaa 1 billion oo doolar sanadkii, taasoo ka dhigan 35% wax soo saarka guud ee Soomaaliya, taasina waxa ay ku tusinaysaa ahmiyadda ay horumarka dalka iyo dakhliga dadka u leeyihiin lacagaha ka imaanaya dibadda.

“U xaqiijinta maal-gashadayaasha shisheeye, qurbo-joogta Soomaaliyeed iyo hay’adaha deeqaha bixiyaba in nidaamkeenna maaliyadeed yahay mid la isku hallayn karo, isla markaana loo maamulo si wanaagsan waxa ay lagama maarmaan u tahay fayo-qabka dhaqaaleheenna soo kabanaya” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Mr Ceynte.

 

Kaararka watta calaamadda MasterCard ee Premier Bank, waxa ay u suuro-gelinayaan dadka Soomaalida ah in ay cash kala baxaan ATM-kasta oo leh calaamadda MasterCard adduunka oo idil iyo in ay online wax ku iibsadaan iyo sidoo kale in ay adeeg ama badeeco kaga iibsan karaan malaayiin goobo ganacsi ah oo aqbalaya kaararka lacag bixinta ee masterCard, kuna kala firirsan adduunka oo idil.

Sidoo kale Guddoomiyaha Bankiga Premier Mahad Maxamed Axmed ayaa ka hadlay ahmiyada uu leeyahay barnmaajikan iyo habka sahlin ee ay macaamiisha ku heli karaan.

“Hadda waxaan siin karnaa macamaiisheenna hab sahlan, aamin ah, raqiisna ah oo ay lacagaha ku bixin karaan iyaga oo jooga dalka iyo daafaha caalamka labadaba”ayuu yiri Mahad Maxamed Axmed.

Madaxa Xafiiska MasterCard Daniel Monehinee qaabilsan wadamada ka hooseeya saxaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay muddo dheer ka go’doonsaneyd dhaqaalaha aduunka, balse haatan ay soo baxday baahida loo qabo in hababka lacag bixinta ee kaararka Electronic la gaarsiiyo.

“Si sare loogu qado kobaca dhaqaale ee Soomaliya oo muddo dheer ka go’doonsaneed dhaqaalaha adduunka, waxaa soo baxday baahi loo qabo hababka lacag bixinta ee electronic-ga ama kaararka ah, taas oo la jaan-qaadaysa xeerarka caalamka uga degsan lacagaha”ayuu yiri Daniel Monehin

Daniel Monehin oo sii hadlayay ayaa yiri “Heshiiska aan la galnay Premier Bank Somalia waxa uu imaanayaa xilli MasterCard ay kala shaqaynayso dawladaha iyo hay’adaha maaliyadda ee afrika sidii dadka Afrika loo gaarsiin lahaa nidaam maaliyadeed oo sahlan, ammaankiisana la isku haleyn karo, taasoo qayb ka ah hababka aan ku gaarayno aragtidenna fog ee ku saabsan dunidan oo u wareegta habka laca bixinta electronic-ga ah”

Shirkadda MasterCard,  waa shirkad technology oo ka shaqaysa nidaamka lacag is-dhaafsiga ee caalamka, waxaa ay leedahay shabakadda lacag is-dhaafisiga ee ugu dhaqsiyaha badan ee caalamka, taasoo isku xiraysa dadka wax iibsada, hay’adaha maaliyadda, ganacsatada, iyo dawladaha, kuwaasoo ku kala baahsan in ka badan 210 dal.

Adeegyada MasterCard waxa ay qof kasta uga dhigayaan dhaq dhaqaaqiisa ganacsi – sida wax iibsiga, safarka, maamulista ganacsiga iyo dhaqaalahaba- mid sahlan, ammaan ah, raqiisna ah.

Sidoo kale Bankiga Soomaliyeed ee Premier Bank waa banki ka diiwaan-gashan bankiga dhexe ee Soomaaliya (Laysan No. 0011), Premier Banka waxa uu macaamiisha u hayaa adeeg maaliyadeed oo dhamaystiran, ayna ka faa’iideysan karaan shaqsiyaadka, ganacsatada iyo hay’adaha.

Bankigan ayaa waxaa uu labo laamood uu ku leeyahay KM4 iyo Suuqa Bakaaraha, waxaana u qorsheysan Bankigu inuu ku baaho magaalooyinka dalka

master-prmis