Taliyaha Ciidanka Boliska oo garay Magaalada Baydhabo.

0
321
Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya  Maxamed Seekh Xasan Xaamud iyo saraakiil kale oo ka tirsan Booliska ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo,
Wafdiga Taliyaha  ayaa waxaa  Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sareeyo guuto Maxamed Seekh Xasan Xaamud iyo saraakiil kale oo safarka ku wehlineysa ayaa markii ay gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxay kormeereen qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Boliiska ee magaakada Baydhabo sida saldhiga Boliiska ee degmada iyo kan gobolka, isagoo kulamo la qaatay saraakiisha Boliiska AMISOM ee halkaasi jooga. Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  ayaa markii uu garay magaalada Baydhabo kormeeray saldhiga beri kaas oo dhowaan dib u dayactir ku sameysay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu kulan la yeeshay saraakiisha Boliiska ee gobolka Baay iyo xubno ka tirsan maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

 Taliyaha oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo,ayaa balan qaaday in taliska Boliiska ay ka go’an tahay in dib u dhis uu ku sameeyo dhamaan xarumaha ciidanka Boliiska ee gobolka Baay.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya sareeyo guuto Maxamed Seekh Xasan Xaamud,ayaa ku dhiira geliyay ciidamada Booliska inay ka shaqeeyaan sugida amniga iyo soo celinta nidaamkii iyo kala danbeynta dalka.