Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo balan qaaday in kooxda horseed isbedel Laga Dareemi Doono

0
357
????????????????????????????????????
Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan lagu doonayo sidii dib-loogu soo celin lahaa Sumcadii iyo magacii ay dalka iyo dibadda ku lahayd naadiga Kubadda Cagta ee Ciidanka xooga dalka HORSEED, kadib markii dhowaan kaalin aan wanaagsanayn ku dhameeysatay Horyaalka heerka koowaad ee 2014-15.

Kulanka oo ay yeesheen saraakiisha ugu sareeysa Xooga dalka gaar ahaan Taliyaha CXDS Gen. Daahir Indho qarshe iyo Maamulka qeybta kubadda cagta ee HORSEED ayaa waxaa looga hadley sida aysan macquulka u ahayn in la aqbalo in HORSEED ay ka badbaadey dib u laabashada heerka labaad ee B,taasi oo ay saraakiishu sheegeen iney iminka wixii ka danbeeya usoo jeesteen sidii qeybtan Kubadda cagta loo horumarin lahaa.
Kulanka ayaa waxaa ugu horeeyntii warbixin sida ay kooxda ku dhameeysay horyaalka 2014-15 iyo marxaladeeda ka warbixiyey Gen.C/laahi Maxamed Ceynte oo ah Gudoomiyaha Daladda Naadiga Horseed,isagoo halkaa ka sheegey in afar kulan oo ka harsanayd dhamaadka horyaalka uu qabtay howshan isla markaana Alle ku guuleeyey in kooxdu ka bad baado qeybta B,ineey u laabato.
Taliyaha Ciidamada Cirka S/guuto Duuliye Maxamuud dable Beyloote oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey awoodii ay HORSEED lahayd beri samaadkii iyo sida looga cabsan jirey,isagoo xusey in mudo sanad ah uu isagu Madax ka ahaa Naadiga Horseed Dowladii dhexe,wuxuuna carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in kooxda qeybta Kubadda cagta dhulka laga qaado,iyadoo lakashanayo dadka aqoonta u lahaa oo cayaaryahanadii hore kamid yihiin dal iyo dibad meeshan joogaanba.
Ugu danbeyntii waxaa hadalka qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indhoqarshe) oo sheegay iney waajib tahay in HORSEED ay gaarto ama ay ka saremarto sidii ay ahaan jirey beri-samaadkii,isagoo xusey in dhaqaale wixii la awoodo iminka ay gacan ka siiyaan kooxaha guud ee naadiga,wuxuuna kula dar daarmey maamulka gacanta ku haya naadiga iney iyaga ka fekeraan ama keenaan ciyaaryahano tayo wanaagsan leh,maadaama ay iyagu farsamadii kooxada ay hayaan.
“Waxan aaminsanahay in kooxaha iminka jira asaagiin aysan idinka dhaqaale fiicneyn,awood fiicneyn ee farsamo ahaan ay tahay inaad idinku saxdaan helida ciyaaryahanda tayada leh,dhankeena waan bixineyna wixii dhaqaale ay doonayaan” ayuu raaciyey.
“waxaan iminka balan qaadayaa ugu horeyntii in garoonkii kooxdu lahayd HORSEED in gacantiina kusoo celiyo si tababar ugu qaadato kooxda,sidoo kalena dhaqaale ahaan diyaar baan idinla ahay inaan kordhino hana la baadi goobo HORSEED wixii dalka jooga ama dibadda ciyaaryahanadii hore”ayuu kusoo gabo gabeeyey isagoo kusoo xirey in maanta ay tahay maalintii dib usoo nooleynta HORSEED.

????????????????????????????????????