Uganda, Tanzania iyo Kenya oo ciidamadooda amaanka heegan buuxa geliyay

0
362

Ciidamada Booliska dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania ayaa kordhiyay howlgalada ay ka sameynayaan qeybo kamid ah dalalkaasi, kadib weeraradii ka dhacay Soomaaliya, Tunisia, Kuwait iyo Faransiiska oo dad badan ay ku dhinteen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ayaa shaaciyay iney heleen xogo dhanka amaanka oo la xiriira in Alshabaab qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan goobaha dadweynaha ay ku badan yihiin.
Dalalka deriska la ah Kenya ee Uganda iyo Tanzania ayaa heegan buuxa geliyay ciidamadooda, waxaana ciidamada booliska lagu kordhiyay joogitaanka goobaha dadweynaha ku badan yihiin.
Goobaha booliska la geeyay waxaa kamid ah, Kaniisadaha, Suuqyada waaweyn iyo magaalooyinka qaar oo horay meelo kamid ah Alshabaab ay weeraro kaga geysteen, sida warbixin kasoo baxday booliska Kenya lagu sheegay.
Gen Kale Kayihura oo kamid ah saraakiisha booliska Uganda ayaa sheegay iney dhankooda kordhiyeen feejignaanta amaanka kadib markii warbixino shaki muujiyay ay heleen, waxaana la adkeeyay amaanka goobaha dadweynaha ku badan yihiin.
Goobaha ganacsiga Hoteelada, iskuulada iyo kaniisadaha ayuu dhankiisa sheegay iney geeyeen ciidamo badan oo ka hortaga weerar kasta oo kaga yimaada ciidamada Alshabaab, sida uu hadalka u dhigay.