Wakiilkiisa: Ayaa Waa Xaqiiq In Xidiga Lala Xiriirinayo Man United Ee Firmino Uu U Dhaqaaqi Doono Premier League

0
463

Ciyaariyahanka reer Brazil iyo Hoffenheim ayaa xaqiijiyay in jiraan wararka la isla dhexmaray suuqa waayihii danbe ee ahaa in kubad sanmeeyahaan uu u dhaqaaqi doono koox ingiriis ah inkastoo usan carabaabin kooxda ay tahay.

Wararka kasoo baxayay waayadii danbe dhanka ingiriiska ayaa sheegayay in ciyaariyahanka uu lacag £13 milyan oo pound uu ugu dhaqaaqi doono dhanka kooxda Man United iyadoo uu macalin Van Gaal aad u doonayo saxiixa ciyaariyahanka.

Wakiilka ciyaariyahanka ayaa yiri “Waxaan xaqiijin karaa kaliya inuu u dhaqaaqayo ingiriiska” ayuu yiri wakiilka Roger Wittmann oo wakiil u ah kuba smaeeyahaan sadexda heshiiskiisu sadexda sano ka harsan yahay ee Firmino oo haatan ku maqan waajibaadka xulkiisa ee Copa America.

Liverpool ayaa sidoo kale aad loola xiriirinayay ciyaariyahanka iyagoo u arkayay badalka ugu haboon ee Raheem Sterling kaasoo la sheegayo inuu isaga tagi doono Anfield kadib markii uu diiday inuu heshiiska u kordhiyay kooxdiisa.