WAR Deg’deg ah Ciidamada Nabad Sugida Iyo Sirdonka Oo Gacanta Ku Dhigay Saraakiil Ka Tirsan Al.Shabaab

0
336

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Howlgal ay ka Sameyeen  Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Yaaqshiid waxaa ay ku soo qabteen Lix Ruux oo ka tirsan Xarakadda Al-shabaab oo uu ku jiro Sargaal Cadaan ah.

Lixda Ruux oo uu ku jiro Sargaalka Ajaanibka ah ayaa loo soo bandhigay Warbaahinta Magaalada Muqdisho.

Wasaarada Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhawaan ku dhawaaqeyso Dalka uu u dhashay Sargaalka Maanta lagu qabtay Muqdisho.

Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Maalmahaan Magaalada Muqdisho ka waday Baaritaano lagu Xaqiijinayo Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.