Wasaarada Waxbarashada DFS oo dib u dhigtay qaadista Imtixaankii mideysnaa

0
369
Wasaarada Waxbarashada xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo dhigay Imtixaankii mideysnaa oo lagu waday inuu ka bilowdo caasimada iyo gobolada dalka Soomaaliya si isku mid ah 13 bishaan June mudo labo beri ah sababo jiro owgood.

Wasiir ku xigeeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare mudane Xaamud Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ku dhawaaqay dib u dhaca iyo waxyaabaha keeenay.

“Waxaan ogeysiineynaa ardayda sanad dugsiyadeeda 2014 -2015 ka imtixaanka gali lahayd ee lagu balansanaa maalinta sabtida ee bishu 13 tahay Juun in la galo in labo cisho aan ku darnay oo la gali doono bisha 15 keeda maalinta Isniinta ah taasoo ah arimo farsamo awgooda iyo ID yadii oo aan wax ka saxeyno iyo ardada oo nagu soo badatay oo hadda is diiwaan galineysa awgeeed ayaan dib ugu dhignay Marka waxaan dadka ogeysiineynaa in howsheenu noogu noqoto howl dhameestiran in maalinta isniinta dib loogu dhigo Imtixaanka “ayuu yiri wasiirka.

Wasaarada waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay dhawaanahaanba dadaal ugu jirtayt suura galinta in ardada dhigatay dugsiyada sare ee ku yaala gobolada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya laga qaado imtixaan mideysan dhowr iyo labaatan sano ka dib waxaana aad u soo dhaweeyay dadaalka wasaarada qaybaha bulshada Soomaaliyeed.