Wasarada Arimaha Gudaha “.Tageeraada Beesha Caalamka ma ahan mid Toos ah

0
387

Wasiiru Dowlaha arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya C/rashiid Max’ed Xidig oo la hadlay warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in beesha caalamka aysan daacad ka ahayn taageerada umada iyo Dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Mr Xidig in beesha caalamka magacyo cusub u soo Hindisaan Umadda Soomaaliyeed,taasi uu tilmaamay in lagu maaweelinayo Shacabka,islamarkaana ay ka meer meeraan marka la gaaro wax qabad dhab ah.

Wasiiru Dowlaha arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/rashiid Max’ed Xidig,ayaa tusaale u soo qaaday Barnaamijka Hiigsiga cusub ee 2016-ka (NEW DEAL),kaasi uu tilmaamay inaan la gaarin Karin ilaa iyo laga helo taageeradii loo baahnaa ee ka imaaneysa beesha caalamka.

 

Laakiin, Mr Xidig ayaa carabka ku adkeeyay in dhanka Dowlada Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay inay fuliso balan qaadkii ahaa in sanadka 2016-ka doorasho xor ah ka dhacdo Soomaaliya.

Dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa inta badan lagu dhaliilaa inaysan daacad ah ka ahayn taageerada Soomaaliya,islamarkaana so toos ah u soo wareejin balan qaadyadii horay u sameeyeen.