Wasiirka Amniga Qaranka Somaliya Ayaa Kormeray Wadooyinka Muhiimka U ah Muqdisho

0
344

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Somalia, Md C/risaaq Cumar oo ay wehliyaan Taliyaha NISA, Gen     C/raxmaan Maxamad Tuuryare, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Gen Bashiir Maxamad Jaamac, Taliyaha
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen Maxamad Sh Xaamud ayaa soo kormeeray Wadooyinka 30-Ka, Warshadaha, Shaqaalaha, Wadada 21 October iyo Meelo kale oo Halbowle u ah Caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Kormeerkan oo ujeedadiisu ahayd  u kuur galidda Amniga Caasimadda Habeenka 1-aad ee Ramadaam ayeey Wasiirka iyo Taliyayaashu ku lugeeyeen inta u dhaxaysa 2 Dhagax iyo Cali Kamiin, Waxay sidoo kale
Masuuliyiintan kula shaaheeyeen Dhalinyaradda 2 Dhagax mid ka mida Maqaayadaha ku yaala Xaafadaasi. iyadoona ay taasi qayb ka ahayd Qorshaha ay Dawladda Somalia ku dhiiragalinayso Dhalinta. intii uu Kormeerkan socday Waxay Wasiiradda iyo Taliyayaashu mid u istaageen Baro Koontaroolo oo ay Ciidamadda NISA iyo Boolisku ka
samaysteen Wadooyinka Wadnaha, 30-ka, Warshada iyo Shaqaalaha, halkaas oo loogu tagay Ciidamo u diyaarsan Sugidda Amniga Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Qaranka, C/risaaq Cumar ayaa ka hadlay Kormeerkooda, Kormeerkan ayeey Wasiirka iyo Taliyayaashu ku soo gaba gabeeyeen Xarunta Bankiga Dhexe ee Somalia, halkaasoo ay  u kuur galeen sida ay
u shaqaynayaan Ciidanka Amniga ee halkaasi Illaaladda ka ah. Waxayna soo indha indheeyeen inta barood ee laga illaaliyo Bankiga Dhexe ee Somalia oo ah meel Amnigeeda si wayn loo adkeeyay.

Kormeerka intii ay ku jireen Wasiirka iyo Taliyayaasha waxay sameeyeen Dukaamaysi ay ku dhiiragalinayeen Ganacsatadda Maalgashiga ku samaystay Dalka, Waxayna tageen Supermarket si wayn u qalabaysan oo ku
yaala Wadada Shaqaalaha, halkaasoo ay ka iibsadeen waxyaabo kala duwan.

amni