Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ku Wajahan Magaalada Dhuusa Mareeb Si Xal Looga Gaaro….

0
359

Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo xeeb ayaa manta lagu wadaa in gaaro Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa uu ku wajahan yahay Magaalada Dhuusamareeb oo ay dhawaan la wareegeen Garab kamid ah Ah.lusunna.

Saraakiil ka tirsan Ahlusunna oo la hadlay Warbaahinta ayaa shegay  in Wasiirka Arrimaha Guaha uu tagi doono Magaalada Dhuusamareeb s uu wada hadal ula yeehso Maamulka Ahlusunna.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Todobaadkii hore la wareegay Garab kamid ah Maamulka Ahlusunna ee Gobolada dhexe Dalka Soomaaliya,waxaana Ahlusunna ay sheegtay in ay wada hadal la galeeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Wafdi uu hogaaminayo Wasiirkii hore ee Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud oo halkaa u tagay in Xal laga gaaro Dagaalka u dhexeeya Ahlusunna iyo Dowladda Dhexe.