Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Ayaa Xariga Ka Jaray Dhismo Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

0
378

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa maanta xarigga ka jaray qeybo cusub oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda kuwaas oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey.
Xafiisyadan cusub oo in mudo ah howlo dayactir ah lagu sameynayay ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta maalgashiga Soomaaliya, Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaaradda, iyo Wasiiro kale sidoo kale waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha iyo ganacsato.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiira gelinta maalgashiga Soomaaliya Axmed Cali Kediye oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha dib u casriyeynta ah ee lagu sameeyay qeybahan ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Mudane C/salaam hadliye Cumar ayaa xariga ka jaray qeybo ka mid ah Wasaaradda oo dhowrkii bil ee la soo dhaafay howlo dib u casriyeyn ah ay ka socdeen, ayadoo howlahaasi ay ka qeyb qaadaneyeen gaanacsato Soomaaliyeed.