Werar Ismiidaamin ah Oo Lagu Qaaday Masaajid ku Yaala Bartamaha Magaalada Kuwait

0
300

Weerar ismiidaamin ah ayaa salaadii jimcaha ee maanta lagu qaaday masaajid shiicada leeyihiin oo ku yaala Caasimadda Kuwait.

Inta la ogyahay afar ruux ayaa ku geeriyootay weerarkan oo uu fuliyay nin xirnaa jaakadaha qarxa oo gudaha masaajidka isku qarxiyay.

Duqa magaalada Kuwait Thabet Al-Muhanna ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in afar qof ay ku dhinteen weerarka, hase ahaatee wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegaya in ilaa 13 ruux ay dhinteen

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kuwait ayaa sheegay in masaajidka ay ku dukanayeen in ka badan 2000 oo ruux, ayna maqleen qarax aad u xooganaa

Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay weerarkan, waxaana wararku sheegayaan in dhimashada ay korortay.
Masaajidka ayaa ku yaala goob aad u mashquul ah oo ku taala bariga magaalada Kuwait, gaar ahaan deegaanka Al-Sawaber.

Kooxda Daacish ayaa durbaba sheegatay weerarkan inay mas’uul ka aheyd, uuna qeyb ka yahay weeraro dalalka deriska la ah Sacuudiga Carabiga ka geysanayesa, sida Yemen oo kale.