Xutiyiinta Yeman Oo La Waregay Degaano Horleh Kadib Markii uu Dhacay…

0
415

Wararka laga helayo dalka Yaman ayaa sheegaya in kooxda mucaaradka Xuutiyiinta iyo xulafadooda ay qabsadeen degaano cusub kadib dagaalo muda qaatay ka hor maalin wadahadalada nabadda ee ka furmaya Geneva.

Xuutiyiinta waxa ay sheegayaan inay qabsadeen xarunta gobolka waqooyiga ee ku dhow xuduudda Dalka Sacuudiga.

Mucaaradka waxa ay sheegayaan inay lawareegeen gacan ku haynta magaalada Al-Xazam ee gobolka Al-Jowf, iyadoo weli ay socdeen duqeynta ay geysanayaan xulafada Sacuudiga uu hogaaminaayo.

Shirkaasi looga hadlaya colaada yeman ayaa wax aka qeyb gali dona wufuud kala meteleysa madaxweynaha masaafuriska ku maqan ee Cabdurabah Masuur Hadi, iyo madaxweynihii ka horeeyay ee Cali Cabdulla Saalax oo hadda garab siinaya mucaaradka.