Australia oo Noqotay Waddankii ugu Horreeyay Caalamka oo looga Dhawaaqo inay Berri Tahay CIID

0
368

Dalka Australia oo ah kan ay Cadceedu  ugu soo hor-baxdo dunida ayaa si rasmi ah looga dhawaaqay in berri oo Jimco ah ay tahay Ciid, iyadoo Iclaaminta maalinta Ciidda ay ku dhawaaqeen Imaamyada Masaajidda dalkaas, Gaar ahaan kuwa magaalada Melbourne.

Waddanka Australia ayaa sidoo kale ah wadanka ugu horreeyay oo ay u dhacdo Qorraxda, waxaana ahayd meeshii ugu saacado yarayd ee laga soomayay Caalamka oo dhan, iyadoo Muslimiinta ku nool ay soomayeen 10-saac oo keliya.

Imaamyada Masaajidda Gobolka Victoria, gaar ahaan Magaaladiisa Melbourne ayaa laga iclaamiyay in berri ay tahay Ciidul-fidri. Iyadoo Muslimiinta lagu War-geliyay dadka inay ciidaan.

Qaaradda Australia ayaa ku nool kumannaan muslimiin ah oo kasoo kala jeeda dalal badan oo kuwa Islaamka ah, waxaana ay soo soomeen 29 maalmood, iyadoo uusan weli jirin illaa hadda dal kale oo ku dhawaaqay inay berri tahay ciid.

Dalka_Australia_Berri_waa_ciid Hiiraanweyn.net