Axmed Macalin Fiqi iyo Musharixiintii kale oo ka hadlay Dareenkooda Doorashadii looga guuleestay

0
327

Waxaa Goordhaw xarunta ay ka dhacday Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmdug Khudbado xasaasi ah kajeediyay Musharixiintii la tartantay Madaxwenaha Guuleestay ee Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Musharixiinta ayaa si isku mid ah waxa ay hambalyo iyo bogaadin ugu direen Musharaxa guuleestay ee Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyagoona u rajeeyay in uu ku guuleesto hogaaminta Maamulka Galmudug.

Axmed Macalin Fiqi oo ahaa Musharixii tartanka adag la galay Mr Guuleed ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Galmudug, waxa uuna ugu baaqay Madaxweynaha in uu ka dhabeeyo Balan qaadyadii uu sameeyay uuna ka shaqeeyo Nabad iyo Hormarka Gobolada Dhaxe.

Waxaa sidoo kale Madasha Doorashada ka dhacday ka hadlay Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo isna dhankiisa hambalyo u diray Madaxweynaha Guuleestay ee Mudane Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Dhamaan Shanta Musharax ee tartanka la gashay Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa hambalyo u wada diray madaxweynaha Guuleestay waxa ayna balan qaadeen in ay la shaqeeyn doonaan ayna halkooda kasii wadi doonaan hormarinta Gobolada Dhaxe.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Guuleestay ee Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa isna dhankiisa u mahad celiyay Musharixiintii kale ee la tartantay, waxa uuna balan qaaday in wax badan uu ka qaban doono Deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaana ka codsaday Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay taageerto ayna garab istaagto Maamulka hogaankiisa loo doortay iyo shacabka ku dhaqan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.