Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la horgeynayo sharciga la dagaalanka Argagixisada

0
337

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in la hor-geeyo sharciga la dagaalanka Argagixisada, kaasoo ka mid ahaa hindise sharciyeed dhowr ah oo Baarlamaanka ka doodi doono, si uu u ansixiyo ka hor sanadka 2016.

Sharciga la dagaalanka Argagixisada oo horay ay u soo meel mariyeen Golaha Wasiirada ayaa la sheegay in marxalado kala duwan uu soo maray, iyadoo qodobada sharcigan uu yahay mid adag.

Xukuumadihii isaga kala dambeeyay dalka illaa Xukuumadihii KMG ayaa sharciga marba marka ka dambeysa soo diyaarineysay, waxaana lagu wadaa in Baarlamaanka uu ka doodo, marka uu maro akhrinta koowaad.

Hab dhowraha Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in Golaha Baarlamaanka la hor-keenayo sharciga la dagaalanka Argagixisada, isagoo xusay in Xildhibaanada ay kadib guda geli doonaan doodiisa.

Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa la filayaa in sharcigan uu ka hor akhriyo Baarlamaanka, waxaana sharcigan oo aan wax badan laga ogeyn qodobadiisa la leelayahay waxaa ku jira qodobo aad u culus.

Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Federaalka iyo ciidamada shisheeye ayaa horay weeraro uga geysatay dalka, iyadoo sanadkii la soo dhaafay meelaha ay weerartay ka mid aheyd Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Ammaanka xarunta Golaha shacabka ayaa si aad ah saaka loo adkeeyay, iyadoo la xiray wadooyinka horu mara xarunta, ciidamo isugu jira Boolis, Nabadsugid iyo ciidanka AMISOM ayaa lagu arkayay hareeraha xarunta golaha shacabka.