Ciidamada Booliska oo Xiray idaacaada Hiiraanweyn ee Magaalada Baladweyne,

0
397

Ciidamada Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa maanta barqadii xiray Idaacada Hiiraanweyn ee Magaalada Baladweyne

la ogeyn Sababta loo xiray Warbaahinta Hiiraanweyn ee Magaalada Baladweyne balse Amarka lagu xiray waxaa bixiyay Taliyaha Ciidamada Saldhiga Booliska Baledweyne Cali-dhuux Cabdi Mahad Alle.

Agaasimaha Hiiraanweyn Maxamed Cismaan Makaraan ayaa sheegay in uu san waxba ka ogeyn ujeedada loo xiray Idaacada waxana uu intaa raaciyay in aan wax warqad ah ama dacwo ah aan loo keenin Idaacada balse ay ka warheleen Ciidamo hubeysan oo gudaha u so galay Idaacada kuwaas oo shaqaalaha ku amaray in la xiro Idaacada

Taliska Booliska Baledweyne wali wax War ah kama soo saarin Xariga Idaacada Hiiraan-weyn ee ka howlgashay Magaaladasi.

Idaacada Hiiraanweyn ayaa kamid ah warbaahinta Madaxa banaan ee Soomaaliya waxana ay si gaar ah uga howlgashaa Deegaanada Gobolka Hiiraan waana idaacada ugu Afka dheer.

Talaabada ay Booliska Baladweyne ku xireen Idaacada Hiiraanweyn ayaa u muuqato mid lagu caburinaayo Warbaahinta Madaxa banaan ee ka howlgasho Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.