Daahir Maxamuud Geele Oo Lomagacabay Safiirka Wadanka Sacuudiga U fadhin Doono somaliya

0
1055

Danjiraha cusub ee Dowlada Soomaaliya u magacaawday dalka Saudi Arabia ayaa maanta waraaqihiis aqoonsiga waxaa ka gudoomay Wasiirka arimaha dibada dalka Sacuudiga Mudane Caadil Al-juweyr.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga ayaa waraaqihiisa aqoonsiga looga gudoomay ka dib munaasabd ka dhacday xafiiska Wasiirka arimaha dibada uu ku leeyahy magaalada Riyaad ee caasimada dalkaaasi.

Danjiraha cusub Mudane Daahir Maxamuud Geele,oo munaasabada ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqada ugu horeyso uu qaban doono ay tahay sidii uu u adkeyn lahaa xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo waliba inuu u howlgalo sidii dhega nugul loogu yeelan lahaa Soomaalida dhibaatada ku heystaa dalkaasi boqortooyada Sacuudiga.

 

Mudane Daahir Maxamuud Geele Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga ayaa ka mid ah danjirayaal dhowr ah oo dhawaan uu magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.