{DAAWO MUQALKA} Radio Hiranweyn oo soo gabagabeeyay tartan aqooneedka bisha Ramadaan

0
385

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna siinayay abaalmarino tartamayaashii ku guuleystey tartan aqooneedka bisha Ramadan ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Tartan aqooneedkan oo ahaa kii saddexaad ee ay qabato Radio Hiranweyn oo ka mid ah idaacadaha gaarka loo leeyahay ee ka jira magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku tartamayay xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne iyadoo tartankuna uu ahaa mid dhagaystayaal faro badan ay kala socdeen idaacada iyo livestreamkaba.

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay maamulka degmada Beledweyne, aqoonyahano, dhalinyaro, ururada haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.Guddoomiyaha Guddiga tartan aqooneedka Jamaal Cali Cabdi oo ka hadlay xaflada ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa uu soo maray tartanka isagoo xusay in uu tartanka ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan tartamayaashii ka qeybgalayna ay ku qanceen natiijada tartanka.

Maamulka Sare ee Idaacada Hiranweyn Maxamed Cismaan Makaraan oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in ujeedka tartanka uu ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta daka isla markaana bulshada ay isku dhexgeli lahayd.
Ugu dambayntii waxaa xaflada ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka degmada Beledweyne Bashiir Xuseen Dhoore, waxana uu guddoomiye ku xigeenku u mahadceliyay Radio Hiranweyn oo soo qabanqaabisay tartankan iyo dadkii ka qeybgalayba.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka soo qeybgalo xafladan lagu abaalmarinayo tartamayashii barnaamijka Tartan aqooneedka waxana aan ka codsanayaa idaacada Hiranweyn in ay sii wado barnaamijyada noocan oo kale oo bulshada faa’idada u leh.”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Beledweyne Bashiir Xuseen.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Beledweyne ayaa guddoonsiiyay abaalmarino lacageed saddexdii tartame ee ka galay tartan aqooneedka kaalmaha hore.