{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shirweynihii 3aad ee Caalamiga ee dhinaca Maalgashiga Horumarinta oo ka dhacaya Addis Ababa

0
390

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu horkacaayo, ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Wadanka Itoobiya.

Wefdiga Madaxweynaha, ayaa waxaa Garoonka Addis Ababa ku soo dhaweeyay Masuuliyiin Dowladda Somaliya  ka tirsan iyo xubno kale, oo Dowladda Itoobiya ugu talla gashay inay soo dhaweeyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha kale ee la socda, ayaa waxaa lagu wadaa inay Magaalada Addis Ababa kaga qaybgalaan shir ku saabsan ganacsiga iyo gaalshiga, kaa oo lagu wado in berrito uu ka furmo Magaalada Addis Ababa.

Shirkan, ayaa waxaa soo qaban qaabisay Qaramada Midoobe, waxaana ka qaybgalaaya ilaa 30 dowladood. shirku waxaa lagu sheegay mid heer caalami ah.

Wararka, ayaa intaa ku daraaya in shirku uu socon doono 13 ilaa 16-ka bishan, iyadoo yoolkiisu uu yahay in maalgelin lagu sameeyo Wadamada Qaaradda Afrika.

Waxaa la fillayaa in shirkan looga hadlo arrimo ay ka mid yihiin, sidii Wadamada Afrika looga caawin lahaa nidaamka canshuuraha, hagaajinta dhaqaalaha, maalgashi la xiriira caafimaadka iyo horumarinta beeraha.

Wefdiga Madaxweynaha, ayaa waxaa ka mid ah xubno ka kala socda labada gole ee Dowladda Federalka Somaliya.

Addis AbabaAddis Ababa1Addis Ababa2Addis Ababa3Addis Ababa4Addis Ababa8