{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Somaliya iyo Wasiirka Iskaashiga UK oo ka Wadahadlay Dib u dhiska Soomaaliya

0
406

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, ahna sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Afrika ee dalka Britain, Grant Shapps oo booqasho laba maalmood ah ku yimid Somalia.

Xasan Sheekh ayaa Wasiirka uga Warbixiyay Xaaladda Soomaaliya dhinacyada, amniga, siyaasadda, dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo dib u dhiska. Isagoo uga mahad-celiyay Boqortooyada UK, taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxaa weli ka go’an hirgelinta barnaamijyada la xiriira Hiigsiga 2016-ka iyo in Dalka ay ka dhacaan Doorashooyin, lana xaqiijiyo in bulshada qaybaheeda kala duwan ay door ku yeeshaan Aayaha Siyaasadda waddankooda. Taageerada Britain mar walba muhiim ayay inoo tahay, waxaana ka mahad-celinayaa dadaalka gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare, David Cameron uu ku taageerayo Somalia,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Britain ayaa soo dhaweeyay Horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatay dhawaanahan, gaar ahaan dhinacyada amniga, isku-dhafka ciidamada iyo Ansixinta Guddiyada Madaxa-bannaan ee salka u ah Hiigsiga 2016-ka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku Ammaaney Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa Horumarka ay ka sameeyeen dhinacyada Hir-gelinta Federaalka, Maareynta Maaliyada iyo xisaabadka dowladda iyo dadaalka dhinaca dib u heshiisiinta.

“Dalka Soomaaliya weli muhiim ayuu inoo yahay marka loo eego Siyaasadda Arrimaha dibedda ee Britain oo ay ka mid yihiin wax ka qabashada baahiyada gargaarka aadmiga iyo horumarinta. In la taageero si loo helo Soomaaliya oo xasiloon, isla markaana horumarsan, waxay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed, gobolka iyo caalamka intiisa kale. Si arrintan looga mira dhaliyo, ayaa waxaan caddeynayaa in go’aankan uu yahay mid qeyb ka ah danaha Qaranka ee Britain,’’ ayuu yiri Mr Shapps.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa intii uu dalka joogay kulamo la qaatey mas’uuliyiin kale oo dowladda Somalia ka tirsan oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Madaxweyne_Xasan_Wasiir_Britain (1)Madaxweyne_Xasan_Wasiir_Britain (2)