{DAAWO SAWIRADA} Maraykanka oo laga raadinayo nin ku diley dalka Zimbabwe mid ka mid ah libaaxyada caalamka ugu caansanaa

0
849

Muwaadin Maraykan ah ayaa lagu eedeeyay in uu ku diley xero lagu xanaaneeyo xayawaanada libaax ka mid ah ahaa kuwa ugu caansan caalamka dad badana ay u soo daawasho tagi jireen.

Dilka libaaxan Cecil ayaa waxaa uu ku bixiyay Walter Palmer lacago laaluush ah oo uu siiyay ilaalada xerada uu ku jirey libaaxa lacag dhan $50,000 (£32,000) iyadoo markii hore looga shakiyay in uu dilkan ka dambeeyay nin u dhashay dalka Spain.

Walter Palmer oo degen magaalo yar oo u dhow Minneapolis ayaa la sheegay in uu dilka libaaxa u isticmaalay fallaar kadibna maqaarka ka fiiqay kana jaray madaxa. Illaa hadda lama oga halka la geeyay madaxii libaaxan waxana dowlada Zimbabwe ay ka codsatay wadamada caalamka in la mamnuuca ka ganacsiga maqaarka iyo madaxa libaaxa.

Ugaarsiga libaaxan ayaa la aaminsan yahay inuu dhacay 6dii bishan July waxana uu ugaarsadahan shiishka badan leh xilli habeenimo ah uu dhaawacay libaaxa, hase ahaatee 40 saacadood kadib ayuu ku dhamaystirey xabad.

“Waxa ay ku xireen baabuurkooda kadibna ku jiideen iyagoo geeyay meydka libaaxa meel nus kiilomitir u jirta xerada uu ku jirey waxayna ku daadiyeen wax carfaya si aan loo dareemin urtiisa.”ayuu yiri Rodrigues oo ah madaxa xerada lagu xanaaneynayay libaaxan.

Libaaxan oo la sheegay in uu ahaa 13 jir ayaa waxaa ku xirnaa qalabka loo yaqaan GPS kaasoo sheegaya halka uu joogo waxaana cilmi baaris ku sameynayay Jaamacada Oxford. Afhayeen u hadlay Palmer ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay wixii dhacay balse uu haystey fasax ah in uu galo kana soo ugaarsado xeradaa iyadoo ay la socdeen ilaalada xerada.

Hase ahaatee Palmer oo ah dhakhtar ilkaha ku taqasusay ayaa waxaa boggiisa facebooga lagu harqiyay eedeymo iyo carro kulul waxaan saxiixay 12,000 oo ruux dad doonaya in caddaalada la horkeeno. Ninkan diley libaaxa caanka ahaa ayaa la sheegay in uu markii uu shan sano jireyba bilaabay ugaarsiga waxana uu ka toogan karaa sida la sheegay kaarka lagu ciyaaro turubka illaa 90 mitir.

lions killers dentist (5)

lions killers dentist (3)

lions killers dentist (4)

lions killers dentist (1)