{DAAWO SAWIRADA} Shirka Hiigsiga oo ka Furmay Magaalada Muqdisho”

0
342

Waxaa goor dhaw xaruntii hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisiyoone ka furmay Shirka Caalamigaa ee looga hadlayo Hiigsiga 2016-waxaana ka qeyb galaya Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka iyo Wafuud ka socota Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ergayga Gaarkaa Ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa wada jjir u shir Guddoominaya.

Goobta Shirka uu ka furmay ayaa waxaa ka maqan Maamulada Puntland iyo Jubbaland,iyadoo ay joogaan Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya  Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo Qudbad ka jeediyay Furitaanka Shirka ayaa ka hadlay Xaalada Guud ee Dalka iyo sidoo kale Waxii u soo qabsoomay Dowladda uu hogaamiyo mudadii ay jirtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa sheegay in ay jiran Wax badan oo Guulo laga gaaray,balse ay jiraan Waxyaabo badan oo sidii la doonayay aan u fulin.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in Lixdii Bilood ee ka soo wareegatay Shirkii Copenhagen  Dowladda ay wax badan qabatay oo ay kamid ahaayeen Dhamistirka Maamulada dalka, Qorshaha Isku dhafka Ciidamada iyo Arrimo kale.

 

11800320_872680876153922_91467411153388904_n111822463_872680812820595_8691817544402330608_n1ha-1 ha-2 ha-4 ha-5