{DAAWO SAWIRADA} Sida Logu So Dhaweyay Madaxweyne Obama Garoonka Diyaradaha Nairobi

0
407
U.S. President Barack Obama receives flowers from a girl as he arrives aboard Air Force One at Jomo Kenyatta International Airport in Nairobi July 24, 2015. U.S. President Barack Obama flew into Kenya late on Friday for his first presidential visit to his father's homeland, aiming to boost trade and security ties in east Africa. Obama's Air Force One plane landed in the evening in the Kenyan capital, Nairobi, where he will co-host a conference on boosting entrepreneurs on the African continent before travelling on to Ethiopia. REUTERS/Jonathan Ernst

Madaxweyne Obama ayaa markii uu ka soo degay diyaarada waxaa uu ubax gudoonsiisay gabar yar oo Kenyan ah, iyadoo kadib uu gacan qaaday Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Mas’uuliyiinta kale ee Kenyanka.

Inta uu joogo Magaalada Nairobi ayaa waxa uu kulamo kala duwan kula qaadan doono Madaxda dalkaasi, waxa uuna sidoo kale booqan doonaa Deegaano dhowr ah kuwaasi oo kula kulmi doono qeybo kamid ah qoyskiisa.

Safarka Obama ayaa qaadan doono Muddo 3 maalin waxa uuna booqashadiisa kadib u ambabixi doona dalka Itoobiya halkaasi oo uu kulan gaar ah kula qaadan doono Madaxda dalkaasi oo uu ka wareysan doono xaalada Africa.

Amaanka dalka Kenya ayaa aad loo adkeeyay, waxaana inta badan Gobolada iyo Caasimaduba la dhoobay Ciidamo kala duwan kuwaasi oo ka hortagi doona weeraro lagu qaado Madaxweynaha Mareykanka.