{DAAWO SAWIRADA} Soomaali badan oo isku diyaarinaysa in ay Iska So Baxaan Wadanka Yeman

0
350

Dekedda magaalada Mukallah ee Dalka Yaman waxaa ku xiran Markabka Nawal 3 oo ganacsade Deeqsi Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cabdi Cali Faarax ugu deeqay in lagu soo qaado qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo baxsanaya colaada ka aloosan Dalka Yaman.

Soomaali badan oo qaxooti ku ahaa Dalka Yaman ayaa hada ku sugan Magaalada Mukallah waxa ayna dadkan oo qaarkood dagan xeryo iyo iskuulo kuyaala Magaaladaasi ay isku diyaarinayaan in soo raacaan Markab Nawal 3 ayna dib ugu soo laabtaan Dalkooda hooyo.

Markabka ayaa hada waxaa kusocda raritaanka dadka kasoo caraya Dalka Yaman iyo alaabaha ay wataan, waxaana la filayaa marka la saaro dadka loogu tala galay in uu kasoo furan doono Dekkada Mukallah uuna soo aadi doono dhinaca Magaalada Boosaaso.

Dadka Soomaaliyeed ee soo raacaya Markabka Nawal 3 ayaa ka kala yimid Gobolo iyo Magaalooyin katrsan Dalka Yaman ay ka jiraan Dagaalo, waxa ayna dadkan qorsheenayaan in dalkooda yimaadaan si ay nolol cusub uga abuuraan maadaama uu dalku hada ka jiro isbadal dhinacyo kala duwan leh.

Shaqaalaha Markabka Nawal 3 iyo dad kale oo sanafalayaal ah ayaa ku hoolan sidii dadka loo saari lahaa markabka, waxaana la filayaa in Markabka uu soo qaado dad gaaray 3-kun oo qof oo isugu jira Haween , Caruur , Dad da’ ah iyo dhalinyaro.

Markabka Nawal 3 uu ku deeqay Ganacsaha Soomaaliyeed Cabdi Cali Faarax ayaa markii Sadaxaad Dalka Yaman kasoo qaadaya kumanaan Soomaali ah, kuwaa oo kasoo baxsanaya colaada ka aloosan qeybo badan oo kamid ah Dalka Yaman.