{DAAWO SAWIRKA} Madaxweynaha Somalia iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku kulmay Addis Ababa

0
378

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo ay Wehliyaan Xubnno isugu jiray Siyaasiyiin iyo Waxgarad kasoo jeeda gobolka, ayaa kulan kula qaatay Xarunta Ioobiya ee Addis Ababa madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaa u tagay ka qeyb-galka shirkii  maal-gashiga caalamiga ah.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa looga wadahadalay arrinta ku saabsan dhismaha dowlad gobolleed ay ku mideysan yihiin Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, oo dhawaan la fillayo in la amba-qaado.

Mas’uuliyiinta iyo madaxweyne Xassan ayaa la sheegay in ay isku afgarteen dhamaan qodobadii laga wadda hadllay, gaar ahaan sidii loo furi lahaa wadda hadallo dhaxmara labada dhinac, kuwaa oo u gogol xaaraya dhismaha maamulka.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa ayaa dhawaan warbaahinta u sheegay in tallaabada xigta oo ay wasaaradiisa qaadeyso tahay siddii loo bilaabi lahaa kulamo hor dhac u ah dhismaha maamul ka kooban gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, isaga oo intaa ku darray in arrintaa ay ku soo gabagabeyn doonaan waqti kooban.

Inkastoo qorshahan uu yahay mid dhinaca dowladda si xowli ah uga socda, ayaa haddana waxaa jira siyaasiyiin isla gobolka ka soo jeeda oo aan ku qanacseyn dhismaha maamul ka kooban labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa ka mid ahaa ergadii lagu martiqaaday ka qeyb-gallka doorashadii 04-tii bishan lagu qabtay magaalada  Cadaado, taa oo lagu doortay madaxda maamulka Galmudug.

Marka la eego labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaa la oran karaa waa gobollada kale ee ka harsan marka dhismaha dowlad gobolleedyada dalka, marka laga reebo gobolka Banaadir oo la sheegay in dib u eegis lagu sameynayo maqaamka uu yeellanayo.

 

Madaxweynaha_Somalia_Addis_Ababa_Guddooomiyaha_Gobolka_Hiiraan Hiiraanweyn.net