Dagaal ka dhacay Xudur iyo Dad Shacab ah oo lagu dilay

0
418

Gobolka Bakool Saaka Wararka ka imaanaya waxaa ay sheegayaan in Xalay Dagaal uu ka dhacay Dagmada Xudur ee Xarunta Gobolkaas oo Dad rayid ah uu Khasaaro kasoo gaaray.

Masuuliyiinta Gobolka iyo kuwa Degmada  Xudur waxaa ay siwada jir ah u sheegeen in uu Dagaal dhacay ,balse waxaa ay beeniyeen in Ciidanka AMISOM iyo Ciidamada Dowladda ay Dad shacab ah wax yaalo gaar siiyeen ka dib markii la sheegay in ay Dadka ku dhex carareen Kooxihii Weerarka soo qaaday.

Guddoomiye ku xigeenka Bakool C/allahi Maxamed Nuur ayaa  shegay in Dagaalkaas ay dhankooda ku qabsadeen qalab Ciidan sidoo kalana ay hada gacanta ku hayaan 16 kamida Al shabab oo Weerarka lagu qabta waxase uu iska diiday in aysan jirin Khasaaro soo gaaray Dadka shacabka ah.

Maxamed Macalin Axmed  Guddoomiyaha Dagmada Xudur ayaa dhankiisa waxaa uu tilmaamay in Dadka shacabka aysan si aan ku talo gal aheyn ay Ciidamado raas ugu fureen xiligaas oo uu sheegay in Guryaha ay galeen Rag hubeysan oo kamida kuwii Werarka soo qaaday.

Waxaa uu VOA-da uu sheegay Maxamed Macalin in ay hada baaritaan wadaan si ay Amniga u xaqiijiyaaan.

Gobolka Bakool ayaa shalay waxaa ka dhacay gaar ahaan Dagmada Xudur Shir ay ka qeyb galeen Saraakiisha Ciidanka AMISOM Ciidanka Dowlada iyo Maamulka Gobolka kaas oo looga arinsanayey sida Deegaanada Al shabab kaga sugan yihiin Gobolkaasn  looga saari lahaa.