Duqeymo Diyaaradeed oo ka dhacay Dalka Yaman oo lagu dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed

0
348

Wararka ka imaanaya Dalka Yaman ayaa sheegaya in Duqeymo Diyaaradaha Sacuudiga iyo Xulufada uu hogaaminayo saacadihii lasoo dhaafay ka geesteen Dalka Yaman ay ku dhinteen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kunoolaa Dalkaasi.

Guri ay kunoolaayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kuyaala Magaalada Cadan ayaa waxaa ku dhacay gantaal laga soo riday Mid kamid ah Diyaaradaha Dagaalka xulufada ay Sacuudiga hogaaminayaan sida uu sheegay mid kamid ah Soomaalida kunool Magaalada Cadan.

Inta la xaqiijiyay 2-qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay gantaalka ku dhacay guri ay kunoolaayeen Qoys Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale duqeyntaasi ku dhaawacmay dad kale oo Soomaali ah dhaawacyadoodana lagu daweenayo Isbitaal kuyaala Magaalada Cadan.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kunool dalka Yaman ayaa ku go’doonsan wali magaalooyin kuyaala Dalkaasi, waxaana dhibaatooyin dhinacyo badan ah ay ku heesataa dalkaasi, Qaxootiga Soomaaliyeed ayaana dhibaato xoogan kala kulmaya dhinacayada isku heesta Dalka Yaman.

Tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday Dalka Yaman ayaa la sheegay in Colaada dalkaasi ka aloosan ay ku dhinteen in ka badan 130-qof oo Soomaali ah, waxaana dadka dhintay ku jira kuwa ay dileen Diyaaradaha dagaalka Xulufada Sacuudiga hogaaminayo.

 

dhibanayaal