Madaxweynaha Galmudug oo Lo dhaariyay Kana Hadlay Arimo Badan Oo Puntland Iyo Ahlusuna Ay Kamidyihiin

0
359

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu dhaariyay Xarunta Kafaalo ee maanta lagu doortay.

Dhaarta kadib ayaa Madaxweynaha Cusub ee Dolwad Goboleedka Galmudug waxaa uu ka hadlay Doorashada Maanta,waxaana uu sheegay in uusan kaligii guuleeysan islamarkaana Shacabka  Reer galmudug ay dhamaantood Guuleesteen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay Arrimaha Maamulka Puntland waxaana uu sheegay in Maamulkiisa uusan Shar iyo Caqabad ku hayneyn Puntland,asagoona Xusay  in Galmudug ay tiyaar u tahay in la xaliyo Khilaafka Labada Maamul.

Madaxweyanaha  Cusub ee Galmudug ayaa sidoo kale Baaq u diray Maamulka Ahlusunna waxaana uu sheegay in maamulkiisa uu wada Xaajood la galayo Ahlusunna oo ay wada fariistaan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Shacabka Reer Galmudug looga baahan yahay in ay dhameeystiraan Maamulka oo uu xusay in Dhismihiisa loo maray Meel wanaagsan.

Radio Kulmiye