Qarax Khasaaro Sababay oo ka dhacay degmada Kaaraan

0
684

Qarax ayaa ka dhacay Nawaaxiga Goob gaadiidka laga raaco oo ku taalla degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen Dad goobjoogayaal ah.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhashay Bam lagu xiray Gaari nooc loo yaqaano “Noohada” oo marayay Bosteejada degmada Kaaraan.

2 Qof ayaa ku dhintay iyada oo ay ku dhaawacmeen Afar Qof oo kale, labada Qof ee dhimatay  ayaa kala ah Darawalkii Gaariga iyo Haweeney la socotay.

qarax