Ra’iisul Wasaaraha Masar oo Soomaaliya Booqasho ku imaanaya

0
443

Ra’iisul wasaaraha dalka Masar Eng Ibrahim Maxlab ayaa la shaaciyay inuu kusoo wajahan yahay Soomaaliya inta lagu guda jiro maalmaha ciidul fidriga waxana la socda tiro wasiiro ah uu kamid yahay wasiirka beeraha wadabkaasi Salaax Hilaal iyo sidoo kale koox maalgashayaal ah.

 


Hadafka ay u imaanayaan Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay dardar galinta isweydaarsi heshiisyo ganacsiyadeed oo dhex mara Soomaaliya iyo Masar.
Dr Salaax Hilaal Wasiirka beeraha dalka Masar ayaa u sheegay warbaahinta dalkaasi in ay daneenayaan sii wadista la shaqeenta dowladda Soomaliya.
Wasiirka waxa uu sheegay in ay doonayana ka faaideysiga xoolaha Soomalida ay dhaqato.
Waxaa xusid mudan in maalmo ka hor ay heshiis ganacsi kala saxiixdeen Soomaliya iyo Masar heshiis dhinaca ganacsiga quseya.