Saddex Musharax oo Wareega Labaad Doorashada Madaxweynaha Galmudug u soo baxday

0
346
Tirinta codadka ay kala heleen wareega koowaad Musharaxiinta Madaxtinimada Maamulka Galmudug ayaa lasoo gaba gabeeyay goor dhaweyd.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay saddexda musharax ee ugu codadka badan oo wareega labaad isku arki doona, halka Guddiga sidoo kale ay ku dhawaaqeen musharaxiinta wareega koowaad ku haray.
Musharax Axmed Macalin Fiqi ayaa helay codad gaaraya 29
Musharax C/kariin Xuseen Guuleed ayaa helay 29
Musharax Cabdi Xasan Cawaale wuxuu helay 6 cod
Musharax Axmed Cabdi Salaan wuxuu helay 12 cod
Musharax Maxamed Cilmi Afrax wuxuu helay 10 cod
Musharax Xasan Qalaad wuxuu isagana helay
Wareega labaad ayaa waxaa isugu soo haray saddexda musharax ah ee kala ah Axmed Cabdi Salaan, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Macalin Fiqi.