Somaliland oo Xirtay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

0
336

Wararka ka imaanaya Magaalada  Borama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa sheegaya in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya lagu xiray Magaaladaasi .

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleeban Ramaax ayaa Warbaahinta u sheegay in Xildhibaankaasi Gacanta Lagu Hayo  dhawaan la soo taagi doono maxkamadd.

Xildhibaanka ay Soomaaliland sheegtay in uu ka tirsan yahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaan Magaciisa lagu sheegay Axmed Xuseen waxaana aysan sheegin Degaanada uu ka soo jeedo.

Marka laga so tago hadalka Soomaaliland ma jiro ila ka madax banana arintaan oo xaqiijinaayo Dowlada Federaalka Wali arintaan kama aysan hadlin

Somaliland waxaa ka yaalla sharci adag siyaasiyiinta ka soo jeeda somaliland ee xilalka ka doonta somaliya,kuwaasi oo somaliland uu ka yaallo shari ah khiyaamo qaran,waxaana laga war sugayaa waxa uu noqon doono xukunka lagu rido xildhibaankan.