Taliska Milatariga Soomaaliya oo Baaq u diray Shacabka

0
355

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay Qorsheyaal Mustaqbalka dhaw ay rajeenayaan in ay gaaraan Ciidamada Milatariga Soomaaliyeed.

Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ka go’an tahay Xaqiijinta Amaanka Dalka iyo sidii loo bur burin lahaa Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u balan qaadeynaa in Hooyada Soomaaliyeed wiilkeeda iskuulka ku maqan aysan wax wal wal ah ka qabi doonin in la dilo ama dhaxda laga wato,Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa diyaar u ah in ay soo celiyaan Xasiloonidii iyo kala danbeyntii Dalka lagu yiqiinay”ayuu yiri Insha qarshe.

Sidoo kale Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka Codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Xoogga,maadaama uu tilmaamay in Far kaliya aysan Fool dhaqi karin.

Milatariga Soomaaliya oo inta badan la sheego in aysan helin Xaquuqdii Ciidan ee ay dalka ku lahaayeen ayaa Goobo Farabadan kula dagaalama Kooxda Al-shabaab ee Mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.