Warar Dheeraad ah oo laga helaayo dhaqdhaqaaqyada ka socda Gobolka Bay!!

0
345

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa waxay galabta gaareen afaafka hore ee Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, ka dib muddo sideed sano oo ay ka arriminaysay Al Shabaab.

Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa maanta si buuxdo u baneeyay Degmadaasi, ka gadaal markii culeys weyn uu ka soo fuulay Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaan galabta gudaha u gelin Degmadaasi, waxayna ku sugan yihiin duleedyadeeda, iyadoo uu qorshuhu yahay in illaa caawa ay dibadda ka jooggaan Degmada.

Hawlgalka lagu qabanaayo Degmada Diinsoor, ayaa la mataano ah gulufkii shalay lagu qabtay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay Shabaabku ku xooganaayen.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa waxaa kuu muuqanayso inay xilligan qaadeen guluf weyn oo ka dhan ah Al Shabaab, si looga fara maroojiyo dhulka ay ka joogto Gobolada Koonfurta Somaliya.