Wasiirkii Hore Ee Gashaan Dhiga Soomaaliya Oo Kabixitaanka Ciidanka AMISOM Shabelaha Hoose kutilmamay Gusha Shabab

0
369

Todobaadyadii ugu danbeeyay waxaa kacsaneed Xaaladda Dagaano ka Tirsan Gobalka Sh/Hoose halkaasi oo uu isbadal ku yimid qaarkood maamulkii ka jiray kadib markii ay iskaga baxeen Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa Soomaaliya Halka Dagaano kalana xoog looga saaray waxana maamulkooda la wareegay Ciidamo Taabacsan Xarakadda Al-Shabab.

Dadka ku nool Daganada ay ka baxeen Ciidamada Huwanta ah ayaa bilaabay barakac iyo cabsi xoogan halka Dagaano ka tirsan isla Gobalkaasina ay cabsi ka jirto.

Arimahaasi oo ay jiraan ayaa laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA waxaa uga waramay xaladaha ka taagan Gobalka Shabeelaha Hoose Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Waxa uu sheegay in qataro badan ay ka imaan karaan hadii xaaladda Gobalka ay sidaan sii ahaato isagoo ku sheegay sababha ka danbeeya Al-Shabab dib inay u qabsadaan Goobihii horay loogala wareegay inay tahay Howlgaladii lagu weerarayay oo la hakiyay, taasina waxa uu sheegay in Fursad ay u siisay in iyaga ay soo weeraraan Xarumaha Ciidamadda Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dhinaca kale Magaaladda Dhuusa mareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud maamulka ahlusuna Waljamaca dhawaan waxa uu ku doortay madaxweynaha maamulka Gobaladda Dhexe sida ay sheegeen xili maanta lagu wado Magaladda Cadaado in madaxweynaha Maamulka Galmudug lagu doorto iyo ku xigeenkiisa.

Mar arimahaasi wax laga weydiiyay Wasiirkii Hore ee gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in mahad ween looga hayo maamulka Ahlusuna Waljamaca Dagaladii ay la galeen Xarakadda Al-shabab waxa uuna intaa ku daray inay ka tanaasulaan Siyaasadda Qar iska Tuurka ah ee uu sheegay in xiligan ay wax ku raadinayaan.