Xarakada Al-shabaab oo sheegtay Weerarkii Mandheera

0
359

War lagu daabacay Warbaahinta Qoraaladaa ee Taageerta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarkii ka dhacay Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya ay ka danbeyso Xarakada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sheegay in Weerarka ka dhacay Magaalada Mandheera ay ku dileen ilaa 14 Ruux oo Kenyan ah sida lagu qoray Warbaahinta Al-shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari ayaa dhankooda sheegay in Al-shabaab Weerar ay ku soo qaadeen Gobolka ay ku dileen ugu yaraan 14 Ruux oo Shacab ah.

Al-shabaab ayaa Weeraro isdaba joog ah ka geeysta Gudaha Kenya,kuwaas oo sheegay in ay ugu aargudayaan Weerarada Kenya ay ka wado Gudaha Soomaaliya.

Bishaan Gudaheeda Wadanka Kenya waxaa booqanaya Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama iyo Qoyskiisa.

mandheera