Ahlu Suna Waljameeca Oo Fahfaahin Kabixiyay Xariga Shan Suxufi Oo Dhusmareeb Lagu Xray

0
464

Ururka Ahlu Sunna ayaa waxa ay ka hadleen xariga ciidankooda ay u geysteen shan suxufi oo ka howlgalaysay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulkaasi.Sarkaal ka tirsan Ururka Ahlu Sunna oo lagu magacaabo Mursal Maxamed Xeefoow saxaafada ayaa sheegay sababta loo xiray Wariyeyaashaasi inay tahay war ay baahiyeen oo ah banaanbax loogaga soo horjeedo Ahlu Sunna ooka dhacay Dhuusomareeb.

Mursal Maxamed Xeefoow, ayaa sheegay in wariyeyaasha laga doonaayo inay keenaan cadeymo ku saabsan xilliga banaanbax uu dhacay ee Ahlu Sunna looga soo horjeeday. Ururada saxafiyiinta ee ka howlgala gobolada dalka ayaa cambaareeyay falka xariga ah ee ay ururka Ahlu Sunna kula kaceen saxafiyiintan

Tirada Suxufiyiinta la xiray iyo Xarumaha Ay Ka howlgaleen

weriye ayaaa ku dartay maanta labo kale oo mid ka mid ah ay tahay gabar. Labadan weriye oo kala ah C/laahi Warsame Rooble iyo Leylo Nuur Cilmi ayaa ku biiray saddex weriye oo xalay xabsiga loo taxaabay kuwaasoo kala ah Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo u shaqeeya Warbaahinta Dowlada SNTV iyo Radio Muqdisho, C/jamaal Macalin Axmed oo u shaqeeya KalsanTV iyo Radio Bar-kulan iyo Bashiir Maxamed Salaad (Bashiir Sanka) oo u wakiil u ahaa Taleefishinka Horn CableTV.