Ahlu Sunna oo sii deysay Wariyeyaal u xirnaa Fah Faahina Kabixisay Waxa sideynta Keenay

0
293

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, Ahlu Sunna ayaa damaanad ku sii deysay Suxufiyin saddexdii maalin ee lasoo dhaafay u xirnaa.

Sii deysmada Suxufiyiintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii Odayaasha deegaanka ay sameeyeen waan-waan ku aadan sidii loo deyn lahaa Wariyeyaasha.
Xalay saacada markii ay aheyd 10:00 habeenimo ayeey suuragashay in si damaanad ah lagu sii daayo Suxufiyiintaan, waloow Ahlu Sunna ay ku adeeksanayaan inay maxkamad saarayaan Suxufiyiinta.
Wariyeyaasha la sii daayay mid ka mid ah ayaa la sheegay inuu xabsiga ku dhex xanuunsaday oo isaga oo miir la’aan ah laga soo saaray Xabsiga, Wariyahaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Deeq Cabdi Maxamed.
Lixda Suxufi ee dib u helay xuriyadooda ayaa kala ah Maxamed Deeq Cabdi Maxamed, Wariye Bashiir Sanka, Cabdi Jamaal Macalin Axmed, C/laahi Warsam Rooble Nafiso Xersi Oogle iyo Leylo Nuur Cilmi oo dhamaantood ka howlgala Magaalada Dhuusamareeb.
Ahlu Sunna ayaa caburin cusub ku biloowday Suxufiyiinta ka howlgala deeganada ay Maamulaan.