Axmed Madoobe oo Baarlamaanka Maamulkiisa ka dalbaday waqtiga doorashada ay dhaceyso in la kordhiyo

0
299

Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ka dalbaday Baarlamaanka Maamulkiisa inay waqtiga doorashada ay ku daraan maalmo, si loogu diyaargaroobo doorashada.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in waqtiga uu aad u gaaban yahay suuratgalna aysan aheyn in ololaha doorashada looga gaaro xilligaasi, isaga oo sheegay in tani ay tahay mid codsi ah balse go’aanka ay leeyihiin xubnaha Baarlamaanka.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo lagu magacaabo Shire Cabdi Maxamed, ayaa dhankiisa sheegay in Baarlamaanka Maamulka Jubbaland aysan waqti ku dari doonin xilliga ay u asteeyeen doorashada Madaxtinimada Maamulkaasi oo 15-ka Bishan Dhaceysa.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi ayaa Sabtidi, si lama filaan ah wuxuu ugu dhawaaqay in 15-ka Bishan ay dhaceyso doorashada Madaxtinimada Maamulka Jubbaland.
Dadka ka faalooda arimaha Siyaasada Maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya arimaha ka socda Magaalada Kismaayo inay la macno tahay nin dooran doorta, taasi oo ay sabab uga dhigeen in Axmed Madoobe uu yahay nin isku duba ritay arimaha Maamulka Jubbaland, doorashadana isaga un lagu dooran doono.