Banaanbax lagu taageerayay Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh. dhexe oo Jowhar ka dhacay

0
403
Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in Magaaladaasi uu ka dhacay banaanbax lagu taageeraayay Maamul U Sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Banaanbaxaan oo ay soo qaban qaabiyeen Bulshada Degmada Jowhar ayaa waxaa ka qaybgalay Maamulka Magaalada iyo qaar ka mid ah shacabka Magaaladaasi.
Dadka reer Jowhar ayaa ku qeylinaayay erayo kala duwan oo ay ku muujinayeen sida ay ugu qanacsan yihiin in Maamul mideysan loo sameeyo Hiiraan iyo Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacay heshiis lagu saxiixay dhismaha Maamulka loo sameynaayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Weli Dowladda go’aan kama aysan gaarin halka lagu qabanaayo shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
banaanbax jowhar ka dhacay oo lagu taageera isku darka hran yo shabelaha dhaxe - Copy