Booliska Dalka Canada oo Amray in lasoo xiro Soomaali dil lagu eedeeyay

0
328
Booliska magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa soo saaray waaranti lagu soo xirayo 25 jir Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdiweli Diiriye, kaasoo loo heysto dilka nin Soomaali ahaa oo lagu magacaabi jiray Kabil Cabdiqaadir oo 9-kii bishan lagu dilay bartamaha magaalada.

Joyce Schertzer oo ka tirsan booliska magaalada Toronto ayaa sheegtay in baarayaasha ay adeegsanayaan muuqaallo la helay iyo caawinaad yar oo ay ka heleen qaar ka tirsan dadkii joogay habeenkii uu dhacayay dilka Kabil.
Waxey tilmaantay in qof walba oo looga shakiyo inuu ku lug lahaa dilka la horgeyn doono maxkamadda.
Eedeysanaha ayaa la sheegay in walaalkiis Maxamed Cabdiweli Diiriye uu ahaa mid kamid ah laba dhallinyaro oo 29-kii June ee sanadkan lagu dilay magaalada Toronto. Laakiin boolisku waxey sheegeen in dilka Kabil aysan la xiriirin arrinkaas.
Baarayaashu waxey sheegeen in eedeysanaha uu hubeysan yahay, islamarkaana uu yahay mid qatar ah.
Dhinaca kale booliska ayaa soo saaray in lasoo xiro Xasan Cabdulle oo loo heysto eedeymo ay kamid yihiin dhac iyo tacaddiyo kale, Arbacadiina waxey booliisku xireen Cabdullaahi Cali Faarax oo 20 jir ah kaasoo loo heysto inuu gacan ka geystay dilka Kabil.
Joyce Schertzer waxey sheegtay in qabashada Cabdullaahi ay fududeyn karto in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaasha lala xiriirinayo dilka.
Fowsiya Xasan hooyada dhashay Kabil ayaa 13-kii bishan ka codsatay booliska magaalada Toronto iyo jaaliyadda Soomaalida inay u sitaagaan sidii ay u heli laheyd caddaalad, gacantana loogu soo dhigi lahaa dambiilayaasha.