Booliska Garoowe oo cunista qaadka laga mamnuucay xilliga shaqada

0
353

Taliyaha cusub ee ciidamada Pooliska Puntland Col. C/risaaq Afgaduud oo shalay xilkiisa la wareegay ayaa uga digay saraakiisha iyo ciidamada Pooliska maamulka Puntland in qaadka ay isticmaalaan xiliyada ay kujiraan shaqada waxaana uu xusay in askarigii lagu helaa falkaasi uu shaqadiisa ku waayi doono.

Waxa uu tilmaamay Col. Afgaduud in arintani looga danleeyahay hagaajinta iyo dar dar galinta shaqada ay hayaan ciidanka Pooliska maamulka Puntland oo uu sheegay in waayihii dambe uu gaabis ku yimid.
Taliyaha cusub ee ciidamada Pooliska Puntland Col. C/risaaq Afgaduud ayaa shalay xaflad ka dhacday magaalada Garoowe xilkiisa kula wareegay isagoo balan qaaday in wax badan uu kusoo kordhin doono shaqada ciidamada Pooliska maamulka Puntland.
Ciidamada Soomaalida ayaa isticmaala qaadka xilliga ay ku jiraan shaqada iyo xilliga aysan ku jirinba, taasi oo sharaf dhac u keenaysa hanaanka shaqada Booliska.

taliyaha booliska