{DAAWO SAWIRADA} Axmed Madoobe Oo Siweyn Logu So Dhaweyay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

0
331

Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxa ay gaareen degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wafdigan oo ay halkaa ugaga sii horeeyeen madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulkaasi Mudane Cabdirashiid Cabdisalaan Janan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey wafdigan shacabka ku nool magaalada Doolow oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Ethiopia .

Booqashada Axmed Madoobe oo ah tii ugu horeysay ee uu ku tago magaalada Doolow tan iyo markii uu noqday hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba ayaa ku soo beegmaysa xilli toban cisho ay ka harsan tahay waqtiga loo qabtay in lagu qabanayo doorasahada madaxtinimada Jubba.

Axmed Madoobe ayaa u muuqda haatan inuu raadinayo taageerada mid kamid ah beelaha ugu tunka weyn ee dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.Dhammaadka bishan ayaa waxaa ku eg xilliga si kumeel gaar ah loogu doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Hase yeeshee waxaa jirta mucaaradad xoog leh oo Axmed Madoobe Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba uu kala kulmayo beeshan. Waxaa la filayaa in uu sidoo kale booqdo magaalada Baardheere oo dhowaan ay isaga baxeen ururka Alshabaab.

Booqashada uu maanta ku tegey Doolow Axmed Madoobe ayaa ku soo beegantay iyadoo Baarlamaanka maamulkiisa oo iska dhega tiray codsi uu u gudbiyay ee ah in dib loo dhigo doorashada madaxtinimada maamulka Jubba, waxana uu Baarlamaanka Jubba maanta ku dhowaaqay xubnaha guddiga doorasahada madaxweynaha maamul goboleedka Jubba.

Guddoomiyaha Baarlamanka Jubbaland, Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan oo khudbad ka jeediyay fadhi uu yeeshay Baarlamaanka Jubba ayaa sheegay inaan wax waqti kordhin ah la sameyn doonin, isagoo xusay in doroashadu ay ku dhici doonto xilligii loo asteeyay oo ah 15-ka bishan Aug, 2015. Waxana kulankan lagu shaaciyay liiska guddiga doorashada madaxweynaha Jubba kuwaasoo loo doortay in ay guddoomiye u noqotay qof dumar ah.

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin;

  1. Xabiibo Max’ed Cabdulle                      Guddoomiye
    2. Axmed Cabdixafiid Maxamed         Guddoomiye ku xigeen
    3. Xuseen Xirsi Axmed                          Xoghayn
    4. Cabdi Maxamed Cabdi                     Xubin
    5. Cismaan Xuseen Rooble                 Xubin
    6. Bashiir Axmed Cumar                     Xubin
    7. Xasan Xaaji Maxamuud                 Xubin
    8. Axmed Ismaaciil                              Xubin
    9. Cabbaas Cali Ibraahim                   Xubin

boqasho dolow (1)boqasho dolow (2)boqasho dolow (3)boqasho dolow (4)boqasho dolow (5)boqasho dolow (6)boqasho dolow (7)