{DAAWO SAWIRADA} Cabdiweli Gaas Puntiland oo ku dhax lugeenaya Wadooyinka Magaalada Gaalkacyo

0
306

Waxaa Maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntiland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno sare oo katirsan maamulkiisa.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay wehliyaan xubno katirsan Golaha Wasiirada Puntiland iyo Xildhibaano ayaa shalay ku dhex lugeeyey qeybo kamid ah Wadooyinka magaalada Gaalkacyo, iyagoona u kuurgalayay xaalada magaaladaasi.

Madaxweynaha Puntiland ayaana socod ku tagay dhoor xarun oo kutaala Magaalada Gaalkacyo , halkaas uu kula kulmay dadweyne kala duwan, waxaana Madaxwynaha dadkii uu lakulmay kala sheekeestay xaaladaha kala duwan ee ka jira Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa Salaadii duhur waxaa uu boqolaal dadweyne ah kula tukaday Masaajidka Ramadaan oo kamid ah masaajidada waaweyn ee ku yaala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.