{DAAWO SAWIRADA} DANJIRE SIDIKOU: Ciidamada Dalka Kenya ee AMISOM kama baxayaan Somalia

0
358

Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, ahna Madaxa Ciidamada AMISOM, Danjire Maman S. Sidikou ayaa Khamiista Maanta ah Sheegay inay Ciidamada Kenya sii joogi doonaan Somalia, ayna sii wadayaan Dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab; isagoo xusay in ciidamada Kenya ay muhiim u yihiin howlgalka AMISOM.

Danjire Manan Sidikou oo koox War-fidiyeenno ah kula hadlayay Magaalada Nairobi ayaa intaas raaciyay in ciidamada AMISOM ay kaalin muhiim ah ka Qaateen Deegaanno ka mid ah Soomaaliya oo laga saaray Al-shabaab, isagoo xusay in joogintaankooda Soomaaliya ay muhiim u tahay amniga dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

“Ciidamada Kenya iyo kuwa kale ee ka socda dalalka kale ee Qaaradda waxay ka qaateen door muhiim ah sugidda amniga iyo deggenaashaha Somalia. Guulaha ay soo hoyeenna ma ahan kuwo faa’iido u ah Somalia oo keliya, laakiinse Afrika oo dhan ayay faa’iido u tahay. Mana ahan in Howlgalka la siyaasadeeyo, waxaanan u baahannahay inaan Wadajir Howl-galka u sii wadno,” ayuu yiri Danjire Sidikou.

Wuxuu Hadalkaan kusoo beegmayaa iyadoo Ciidamada Kenya oo qayb ka ah Howl-galka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] ay dhawaan Al-shabaab kala wareegeen degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale, Danjire Sidikou ayaa Xusay in Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo Booqasho ku yimid dhawaan Kenya iyo Itoobiya uu Ammaanay Kaalinta ay AMISOM ka Qaadanayso Xasilinta Soomaaliya iyo weliba Dagaalka ay Al-shabaab kula jiraan.

Madaxwenaha Mareykanka, Barack Obama ayaa sheegay in Mareykanka uu ka taageeri doono AMISOM dhinacyada qalabeynta iyo dhaqaalaha si ay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab u sii xoojiyaan.

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Kenya ee CORD, Raila Odinga ayaa ugu Baaqay Xukuumadda Kenya inay ciidamada kasoo saarto Somalia, isagoo xusay in joogitaankooda ay sabab u yihiin Weerarrada ay Al-shabaab kusoo qaadayso Kenya.

Balse, Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Sidikou ayaa xusay inay khalad weyn tahay in Waddamada Afrika ee ku yaboohay Ciidamada AMISOM ay kala baxaan Somalia; ka hor iyadoo aan laga adkaan Al-shabaab, Xasilloonida Soomaaliyana aan dib loo soo celin.

“Aniga haddii la i weydiin lahaa sida aan jeclahay in ciidammo dheeraad ah iyo dhaqaale fara badan lagu deeqo Somalia si aan howlgalkeenna u xoojinno uguna soo dhameystirno muddo gaaban. Haa.. ayaan oran lahaa. Waayo waxaa kula jirnaa loolan adag Al-shabaab,” ayuu mar kale yiri Danjire Sidikou.

Wakiilku wuxuu intaas ku daray in ciidamada AMISOM oo Sannadkii 2007 Howlgalkeeda ka billowday Somalia oo keliya aysan ahayn kuwa Sababay guulaha la gaaray, laakiinse ay Guulahan gacan ka geysteen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

“Maanta… Somalia waxay leedahay dastuur KMG ah, kaasoo ay dhawaan soo dhameystiri Doonaan Guddiga Dib u eegista Dastuurka. Baarlamaan Cusub ayaa la soo dooran doonaa, sidoo kalena Madaxweyne Cusub ayaa lasoo dooranayaa.. iyadoo doorasho dimuqraaddi ah ay ka Dhici doonto Somalia Sannadka soo Socda ee 2016-ka,” ayuu Maman S. Sidikou ku daray hadalkiisa.

MUSTAQBALKA SOOMAALIYA;

Dhanka kale, Ergayga Midowga Afirka ee Somalia ayaa Sheegay in AMISOM ay Hadda kala Shaqeynayso Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia, si loo dhameysitro dhismaha Maamullada Gobollada Somalia.

Wakilka ayaa intaas ku daray in AMISOM ay ka caawinayso Dowladda Somalia dhismaha Dalka Soomaaliya iyo sidii loo Xaqiijin lahaa amniga guud ee dalka oo haatan intii hore ka wanaagsan.

“Ciidamadeenna iyo kuwa Milateriga iyo Booliiska Somalia, waxay si taxadar leh xoogga u saarayaa adkeynta amniga iyo xaqiijinta Ammaanka dalka,“ ayuu ku daray Sidikou mar kale ku yiri hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maman S. Sidikou ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay Gacan weyn ka Geystaan Xasilinta Soomaaliya ayna ka Caawiiyaan Dowladda Federaalka Somalia marka ay AMISOM ka baxdo Soomaaliya.

 

AMISOM OO KAWARBIXISAY DILALKA MARKO (1) AMISOM OO KAWARBIXISAY DILALKA MARKO (2) AMISOM OO KAWARBIXISAY DILALKA MARKO (3) AMISOM OO KAWARBIXISAY DILALKA MARKO (4) AMISOM OO KAWARBIXISAY DILALKA MARKO (5) AMISOM OO KAWARBIXISAY DILALKA MARKO (6) AMISOM OO KAWARBIXISAY DILALKA MARKO (7)