{DAAWO SAWIRADA} Dowladda iyo Mucaaradka Kenya oo isku khilaafsan Heshiiska Dhawaan lala galay Uganda

0
386

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa iska fogeeyay dhaleeceyn oga timid dhanka Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee CORD Raila Odinga oo ku saabsan heshiiska isweydaarsiga ganacsi ee dhawaan uu la galay dalka Uganda, kaasoo Kenya u Ogolaanayo iney Sonkor Raqiis ah ka keensato Uganda, Halka dhinaceedana ay u dhoofin doonto hilibka lo’da iyo caanaha ay warshadaheedu sameeyaan.

Kenyatta oo ka jawaabay hadalka hogaamiyaha mucaaradka, ayaa ku tilmaamay inuu ahaa mid ay ka buuxeen eedeymo, Wuxuuna ka Codsaday Raila inuu Joojiyo ku Howlanaanta burburka siyaasaddeed iyo wiiqitaanka horumarka dhaqaale ee Kenya.

Kenyatta, ayaa sidoo kale difaacay barnaamijka dhaqaalaha ee dowladiisa, isagoona sheegay inuu yahay mid wanaagsan. Isla markaasna wuxuu tibaaxay Raila inuu yahay walaalkiis ka weyn uuna ogol yahay in uu saxo hadii uu qaldan yahay, ayna ka wada shaqeeyaan horumarka dalkooda:

“Marka aad leedahay waxaad Yugaandha u tagtay in aad ka hadashid soo galinta Kenya Sonkor raqiis ah, Sonkortee raqiis ah oo aad ka hadleysaa? Xagee dooneysaa in aan ka helno Sonkor qiimo jaban?, aan ka shaqeyno sidaan u xoojin laheyn gobolka. Yugaandha waxey naga gadataa alaab qiimo ahaan gaareyso $700 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, una dhiganto 70 Bilyan oo lacagta Kenya ah”, ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo hada ah hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee CORD, ayaa dhawaan ku eedeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu Yugaandha la galay heshiis uu ku sheegay in Kenya aynan faa’ido ugu jirin

Raila ayaa sheegay in heshiiskaas la saxiixay xili Kenya ay hogaamineyso wax soo saarka Sonkorta ee wadamada ku yaallo bariga africa. Wuxuuna su’aal iska weydiiyay cida ka faa’ideyso heshiiska ganacsiga ay Kenya la gashay Uganda?

Mr. Odinga, ayaa ku eedeyay Madaxweyne Kenyatta inuu saxiixay heshiis uu ku sheegay inuu quseeyo qoys gooni ah madaama uu tilmaamay in labada shirkaddood ee soo saaro Hilibka iyo Caanaha ay leeyihiin dad ku dhow madaxweynaha Kenya. Isagoona ku eedeyay dowlada iney burburineyso Shirkadda Sonkorta Kenya ee Mumias oo ku taallo galbeedka Kenya oo ah halka ay ku xoogan yihiin mucaaradka, wuxuuna sheegay hadii taas ay dhacdo in dad badan oo Kenyan ah ay shaqo waayi doonaan.

Dhanka kale, Madaxda Wasaarada Ganacsiga Kenya, ayaa balan qaaday in loo dedejin doono ganacsatada ruqsadaha Kenya loogu soo dejinaayo Sonkorta ka imaan doonto dhanka wadanka Uganda si ay awood buuxdo ugu helaan iney gaarsiiyaan Suuqyada Kenya oo dhan.

Heshiiskaan Muranka dhaliyay ayaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxuu kula Saxiixday dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni magaalada Kampala ee xarunta wadankaas oo dhawaan uu ku tagay booqasho saddex maalmood qaadatay.

Waxaana heshiiskaas uu Kenya u ogolaanaayo iney Sonkor raqiis ah ka keensato wadanka Yugaanda, iyaduna waxey u dhoofin doontaa Magaalada Kampala hilibka lo’da iyo weliba Caanaha Warshadeysan.

Sidoo kale heshiiska labada dal ay wada gaareen, ayaa wuxuu ka dambeeyay kulamo laba geesood ahaa oo dhex maray Kenyatta iyo Museveni iyo waliba hadal uu Madaxweynaha Kenya u jeediyay Baarlamaanka wadanka Yugaandha intii uu dalkaas ku sugnaa.

Si kastaba ha ahaatee xiriirka ka dhaxeyo labada dal ee Kenya iyo Uganda, ayaa wuxuu yahay mid wanaagsan. Waxeyna labada dal oo daris dhow ah iska kaashadaan Ganacsiga, Kaabayaasha dhaqaalaha, Ammaanka (Military), Waxbarashada, Beeraha iyo Tamarta, iyagoona ku muransan lahaanshaha Jasiirada Migingo oo ku taallo harada Victoria.

Khilaaf_Xukuumadda_iyo_Mucaaradka_Kenya

 

Khilaaf_Xukuumadda_iyo_Mucaaradka_Kenya Khilaaf_Xukuumadda_iyo_Mucaaradka_Kenya_660 (1)