{DAAWO SAWIRADA} Kooxda Arsenal oo hanatay FA Community Shield, markii ay garaacday Chelsea

0
564

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa hanatay FA Community Shield, markii ay guul gaartay ciyaar garoonka Wembelay dhawaan ku soo dhammaatay oo ay kula yeelatay Chelsea, waxaana ay uga adkaatay 1-0.

Qeybtii hore ee ciyaartan waxaa gacan sarreysay Arsenal oo ciyaarta ku wanaagsanayd, taas ayaana u suuragalisay inay la yimaadaan goolka kaliya ee ciyaartan ka dhashay waxaana u dhaliyey 24’ daqiiqo Alex Oxlade-Chamberlain, kaddib markii uu baas ka helay Walcott, sidaas ayaana lagu kala nastay 1-0 oo ay ciyaarta ku hoggaaminaysay Arsenal.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad Chelsea ayaa waxoogaa isbedel ah samaysay, balse uma suuro gelin inay la yimaadaan goolka barbaraha ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 1-0 looga adkaatay Chelsea.

Waxaa xusid mudan in Cech uu u ciyaaray Arsenal kulankan uuna ka horjeeday kooxdiisii hor ee Chelsea, halkas sidoo kale Blues ay garoonka soo galisay Falcao.

Waa markii ugu horreysay oo ay tababaraha Arsenal ee Arsene Wenger uu ka adkaatay taariikhda tababaraha Chelsea ee Jose Mourinho, waxaana ay Arsenal hanatay koobkan markeedii 14-aad.

11 12 1438524756744_lc_galleryImage_Arsenal_s_English_midfiel Alex-Oxlade-Chamberlain Alex-Oxlaide-Chamberlain-2 cech1 cech2 Mou-v-wenger

ARSENAL OO GULEYSATAY  (1) ARSENAL OO GULEYSATAY  (2) ARSENAL OO GULEYSATAY  (3) ARSENAL OO GULEYSATAY  (4) ARSENAL OO GULEYSATAY  (5) ARSENAL OO GULEYSATAY  (6) ARSENAL OO GULEYSATAY  (7) ARSENAL OO GULEYSATAY  (8) ARSENAL OO GULEYSATAY  (9) ARSENAL OO GULEYSATAY  (10) ARSENAL OO GULEYSATAY  (11)